Taariikhda Fanaanada Caanka ah ee Xaliimo Khaliif Cumar ‘Magool’

download (4)

Xaliimo Khaliif Cumar barre oo ku magac-dheereed ((Magool )) ama ((boqorada codka ))waxay ku dhalatey gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Beledweyne sanadkii 1943kii.xaliimo khaliif waxa eey usoo wareegtay magaalada muqdisho ayada oo yar ,waxa eena ku soo kortay guriga abtigeed maxamed xaaji kadibna hargeyso ayee u wareegtay halkas oo eey fanka ka soo gashay xaliimo khaliif .wax yar kadib waxeey dib ugu soo laabatay maagalada muqdisho halkaa oo aad uga hana qaaday fankeedii.xaliimo khaliif allaha u naxariistee durbadiiba waxa eey ka soo dhex muuqatay dadkii ugu cadcadaa fanka soomaaliyeed .heestii ugu horeeysay ee qaado xaliimo khaliif cumar barre (magool) waxa eey eheed heesta lagu magacaabo ((banaadiri)) kadib si is daba joog ah ayaa loogu dhiibaayay heesaha eey ku luuqeeyso xaliimo khaliif ,heer eey gaarto in eey u tartamaan abwaaniintii heesaha curun jirtay iyo fanaaniintii jeclaa in eey la qaadaan xaliimo khaliif. waxaa lagu xasuustaa xaliimo khaliif heesihii eey qaday oo nuuc walbo lahaa iyo waliba heesihii ee ka qaaday shirkii midawga afrika ee lagu qabtay magaalada muqdisho oo ayada iyo fanaaniin eey ka mid yihiin mxamed suleymaan tubeec salaad maxamed shardi s/darbi iyo seynab cige iyo kuwa kalaba eey aad ugu guugaabinaayeen madaxdii africa in eey wadamadooda gumeysiga kala tashan oo ayaka maskaxdooda ka maamulaan ,sidoo kale xaliimo khaliif cumar (magool) allaha u naxaariistee heesahee qaadi jirtay waxee u badnaayee kuwa jeceelka oo aad iyo aad ugu helaan dadka soomaaliyeed kuwaas oo inta badan labalabo ula wadaagi jirtay faniinta kale ee raga ahaa siiba kuwoodii ugu caansanaa fanaaniintii xiligaas sida

maxamed suleyymaan waa tubeec                                                                          maxamed nuur giriig                                                                                 maxamed axmed kuluc                                                                               maxamed jaamac joof                                                                                maxamed mooge liibaan                                                                              maxamed yuusuf cabdi                                                                               maxamed warsame qas aali                                                                                 axmed mooge shimbir                                                                    liibaan                                                                                 axmed cali cigaal                                                                                   axmed nuur jaangow                                                                                  cabdi salaad aadan (beerdilaacshe)                                                                  cabdi qadar xasan xuseen                                                                            cabdi nuur allaale                                                                                  cabdalla yuusuf (hanuuniye)                                                                         cabdi tahliil warsame                                                                               cusmaan cabdi kariim (gacan laaw)                                                               salaad maxamed shardi {{{{s/darbi}}}}

xasan aadan samatar xasan diiriye faarax abdisalan awil jama iyo kuwa oo aanan soo koobi karin, abwaanada sida weyn heesahooda ugu dhiibay xaliimo khaliif cumar barre (magool) waxaa ka mid ah ; maxamed cali kaariye xasan xaaji cabdullaahi (xasan ganey) cabdul qaadir cali cigaal (cirro) abwaan qurbaawi cabdi muxumud amiin iyo kuwa kale oo fara badan . xaliimo khaliif cumar (magool) heesaha eey ku luuqeeyso ee wadaniga ah wee badan yihiin waxaana ka maid ah heesta lagu magacaabo NIN KU SIRAY WAX KUU SHEEG waxa aligay abwanka ween ee somaliyeed MAXAMUUD CABDILAAHI SANGUB waxana ku luuqeeya heesaayaasha hobolada waabari kuwa ugu cansan sida fanaanka caanka ah hadana codka wanagsan ee SALAD MAXAMED SHARDI (SALAAD DARBI) boqorada codka somaliyeed XALIIMA KHALIIF (MAGOOL) iyo boqorka codka MAXAMED SULEYMAN (TUBEEC)iyo waliba fanaanada codka halasiga ZEYNAB CIGE heestaan ayaa ku jirtay xaflad lagu qabtay fila africa ee magalada muqdisho halkaasi uu ka dhacayay shirki midawga afrika heestaan ereyadiida aya laga daremaya gubaabo waano iyo wax eey tahay runta dhabta ah africa sida adoonsiga u galay iyo waxyabahuu ka damacsanyahay waan idiin soo gali doona heesta oo qoraal ah oo si wada jir ah ula qaadayaan fanaaniinta kala ah (maxamed suleymaan tubeec) (saynab cige )iyo (salaad maxamed shardi s/darbi ) iyo heesta kale ee la yiraahdo ((ka digtoonaw dab walaaqay noqotey )) oo eey la qaado fanaaniinta kala ah waxaa kamid,ah takeera yaasha xalimo qaliif cabdirisaaq abshir seed oo ah dadka ugu cadcad waxuna ilaah uga baryayaa in uu janadii fardowso kawaraab iheladii ay ka dhimatana samir iyo imaan kasiiyo inaa lilaahi wa inaa ilayhi rajicuun iyo

Insert non-formatted text here waxa ey kale ey ka soo qeyb qaadate dagaaladii sokeeye . waxaa kaloo kamid ah heesaha wadaniga eey ku luuqeeyso xaliimo khaliif cumar barre ((magool)) nin kagu seexdoow ha seexan maanta manta maanta waa maalin weyne maanta soomaali dooylaay afrikay hurudooy iyo in badan oo aanan soo koobi karin xaliimo khaliif cumar barre (magool) waxeey si aa ah u qaadaa heesaha jaceylka ah oo si aan caadi aheey u jecelyihiin dadka soomaaliyeed waxaana ka maid ah heesahaas . minankiinii anigaa imidee sida sida dalsan neyruus raxmad aramidu caashaqa habaayicin qormo ashqaraar iimaanso amaantaada u hub qaado meelkale dalmaro goronyo cowl alleylahe jaceylkii hibooy aan is helno boqorkii quruxda aqoon idil sida canabka neeraha banaadir subcis wabiyo isu oomani shimbiryoow radkii jaceylka gododley jaceyl dhiig malagu qoray iyo kuwa kale oo badan .. sidoo kale xaliimo khaliif cumar barre (magool)waxa eey qaadaa oo ku luuqeeysaa qasiidooyin [((( nabi amaan ah )))] oo add u fara badan waxaana ka mid ah inta raacday ((((NABIGEE)))) rafiiqiise noqotee madad madaad iyo kuwa kale oo badan oo aan la soo koobi karin . xaliimo khaliif cumar barre (magool) markii qabtii dhacday kama eeysan bixin dalka ee waxa eey ku nooleed magaalada muqdisho gaar ahaan xaafada taleex oo eey ku yebsatay walaalaheeda soomaaliyeed wixii soogaaray oo burbur ahaa . xaliimo khaliif cumar barre ((magool)) waxa eey eheed mid eey aad u jecelyihiin dadka soomaaliyeed gaar ahaan dadka fanka ku dhex jira ,kuwaaoo inta badan ku imana in eey qof dabeecad wanaagsan oo dul qaad badan aheeyd xaliimo khaliif (magool) . hadaba sanadku markuu ahaa 19 3 2004 ayee ku geeriyootay allaha u naxariistee xaliimo khaliif cumar barre (magool) magaalada (amistardam) ee dalka (holan)wax caruur ahna ma eysan dhalin xaliimo khaliif cumar barre (magool) waxaana lagu aasay duleedka magaalada (afgooye) ee dalkeena soomaaliya taariikhdu markey aheyd 22 3 2004 .waxaana loo sameeyay aas qaran oo ka soo qeyb galeen dhamaan nuucyada kala duwan ee bulshada soomaaliyee ,aaska xaliimo khaliif cumar barre (magool) waxa oo u dhacay si aan caadi aheey kaasoo keentay in dadku is qabsadaan inta u dhaxeysa magaalooyinka (muqdisho-ilaa-afgooye)ayakoo gaaraya 20 kun ka badan . hadaba xaliimo khaliif cumar barre (magool) waxaan ilaah uga baryeenaa in uu danbigeeda u dhaafo qabrigana u waasiciyo janiisa fardowsa aheed ka waraabiyo .aamiin aamiin aamiiin ….

[[[[INAA LILAAHI WAINAA ILEYHI RAAJICUUN ]]]]

Leave a comment